Wasiirka Caafimaadka Jubbaland oo Kormeeray Xarumaha Caafimaadka, Ciidamada Janaa Cabdalle iyo Mashruuca Biyo-gelinta Yoontooy

0
180
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubbaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, oo ay wehliyaan Senatar Ilyaas Bedal Gaboose, Xildhibaan Asad Cabdirisaaq Maxamed oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo Qeybo Kamid ah Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarumaha caafimaadka ee Yoontooy, Buula-gaduud, iyo Janaa Cabdalle.
Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd in si dhow loogu kuurgalo habsami u socodka shaqada xarumaha caafimaadka, tayada adeegyada ay bixiyaan, iyo baahiyaha jira, si loo hubiyo in bulshada ay helaan daryeel caafimaad oo hufan, joogto ah, isla markaana tayo leh.
Wafdiga ayaa warbixinno ka dhageystay maamulka iyo shaqaalaha xarumaha, iyagoo ku dhiirrigeliyay in la sii xoojiyo adeegyada loo fidiyo bulshada.
Intaa kadib, wafdiga ayaa sii booqday ciidamada ku sugan deegaanka Janaa Cabdalle, halkaas oo ay ku wareysteen xaaladda amni iyo sida ay hawluhu u socdaan.
Wafdigu waxay si weyn ugu mahadceliyeen ciidamada dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka, iyagoo xusay in amniga wanaagsan uu saldhig u yahay horumarka adeegyada bulshada.
Ugu Danbeynti Wafdiga ayaa kormeeray halka laga hirgalinaayo Xarunta biyo galinta magaalada Kismaayo Ee Tuulada Yoontay.