Wasiirka Qorsheynta Jubbaland oo Sweden kula Kulmay Hay’adda SIDA, kana Wadahadlay Xoojinta Iskaashiga Horumarineed

0
155
Wasiirka wasaaradda qorshenta malgashiga iyo iskashiga caalamiga ee Dowlada Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed oo safar shaqo ku tagay Dalka Sweden ayaa kulan la qaatay madaxa Bariga iyo Geeska Afrika ee Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (Swedish International Development Cooperation Agency), oo ah hay’ad dowladeed hoos tagta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Dowlada Sweden oo ka mid ah dalalka sida weyn u taageera dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan Jubaland, isla markaana ka fulisa mashaariic horumarineed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyadoo la tixgelinayo xaaladda adag ee dunida ka jirta iyo yaraanta ku timid deeqaha caalamiga ah.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay mudnaanta Jubaland iyo meelaha istiraatiijiga ah ee la iska kaashan karno, iyadoo kulanku ku soo dhammaaday is-afgarad wanaagsan.