Wasiirka Caafimaadka Jubaland oo Kormeer Shaqo ku Tagay Isbitaalka Weyn ee Kismaayo iyo Xarumaha Caafimaadka Degmada

0
227
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa  kormeer shaqo ku tagay Isbitaalka Weyn ee Kismaayo iyo xarumaha caafimaadka ee Olympic iyo Xaawo Taako.
Kormeerka wasiirka waxaa ku wehlinayay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, Maxamed Cabdulqaadir, iyo Iskuduwaha Caafimaadka Degmada Kismaayo, Maxamed Sheekh Aadan.
Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd in si dhow loogu kuurgalo habsami u socodka shaqada xarumaha caafimaadka, isla markaana la qiimeeyo tayada adeegyada ay bulshada u fidiyaan, si loo hubiyo in bulshadu helaan daryeel caafimaad oo hufan, casri ah, isla markaana la isku halleyn karo.
Wasiirka ayaa si gaar ah diiradda u saaray Isbitaalka Weyn ee Kismaayo, halkaas oo ay ka socdaan qorshayaal ballaaran oo lagu horumarinayo laguna casriyeynayo. Qorshayaashan waxaa ka mid ah dhismaha qaybo cusub iyo keenista qalab caafimaad oo casri ah, si wax looga qabto baahiyaha sii kordhaya ee bulshada.
Intii uu socday kormeerku, wasiirka wuxuu warbixinno faahfaahsan ka dhageystay madaxda xarumaha caafimaadka iyo agaasimaha Isbitaalka Weyn, kuwaas oo ka hadlay xaaladda guud ee adeegyada, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha horumarineed ee mustaqbalka dhow.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland ay ugu jirto xoojinta adeegyada caafimaadka iyo kor u qaadidda tayada daryeelka bulshada, si loo gaaro nidaam caafimaad oo waxtar leh oo daboolaya baahiyaha shacabka.