Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo Dhageysatay Kiiska xubin khawaarijta ka tirsanaa

0
183
Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubaland ayaa maanta dhageysatay kiis ciqaab ah oo loo haysto Cabdirisaaq Cabaas Sheekh Yuusuf, oo lagu eedeeyay xiriir argagixiso, ka mid ahaanshaha Al-Shabaab, falal amni darro, iyo gudbinta xog sir ah.
Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in uu kooxda argagixiso, ku biiray sanadkii 2014, halka la qabtay 2025 isagoo qorsheynayay weerar ka dhan ah jaamacaddii uu wax ka baranayay xilli ay xaflad ka socotay hoolka Daawad ee Kismaayo.
Fadhiga maxkamadda waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubaland, labadiisa ku-xigeen, xeer-ilaaliyaha,Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qareenka difaaca eedeysanaha iyo ehellada eedeysanaha.
Xeer-ilaaliyaha ayaa akhriyay eedeymaha Loohaysto Eedaysanaha Maanta lasootagay maxkamada.
Dhanka kale Qareenka difaacayay Eedaysanaha wuxuu soo bandhigay dooddiisa sharciyeed, iyadoo ugu dambeyn maxkamaddu soo xirtay dhageysiga koowaad ee garmaqalka Maxkmada.