Ciidamada halyeeyada Jubbaland iyo kuwa xooga dalka oo Jab Xooggan Gaarsiiyay Khawaarijta – 43 Lagu dilay Howlgallo Ka Socda Jubbooyinka

0
174
Ciidamada Dowladda Jubaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) ayaa maalmahii lasoo dhaafay guulo waa weyn ka gaaray howlgallo wali socda oo ay ka fulinayaan deegaano ka tirsan gobollada Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe.
Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah: Qalley, Qalaawiley Qumbi, Weel-marow, Caano-Booro iyo Farshabeel oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose, iyo sidoo kale Guduudey, Bilisa iyo Hargaysa-Yareey oo ka tirsan gobolka Jubada Dhexe.
Inta uu socday howlgalka, Ciidamadu waxay dileen 43 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, halka 27 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad, Ciidamadu waxay howlgalka ku soo qabteen hub noocyo kala duwan ah oo ay cadowgu isticmaalayeen.
Howlgalladan ayaa weli si habsami leh u socda, iyadoo Ciidamada Dowladda Jubaland iyo CXD ay sii wadaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida deegaanada laga howlgalayo, howlgaladan waxaa qeyb ka ah Saxiibada Caalamiga ah ee Ciidamada Jubaland iyo CXD ka tageeraya sidii loo naafayn lahaa cadowga.