Agaasimaha guud ee arrimaha gudaha Jubbaland oo uu wehliyo duqa kismaayo oo kormeeray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay kismaayo

0
196
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland Mudane Abdiwaaxid Maxamed Dhaqane oo uu weheliyo Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, iyo wakiillo ka socday hay’adaha UNDP, UNICEF iyo Safaaradda Sweden ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada Kismaayo.
Masuuliyiinta ayaa booqday Iskuulka Hoose/Dhexe/Sare ee Ganaane oo dayactir ballaaran lagu sameeyay, gaar ahaan fasallada waxbarashada si loo hagaajiyo tayada waxbarasho ee ardayda. Sidoo kale, waxay kormeer ku tageen biyo-mareenka Wada Hormuud oo isna dib-u-habeyn lagu sameeyay, si loo yareeyo fatahaadaha loona hagaajiyo nadaafadda deegaanka.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada aarrimaha Gudaha Jubbaland Abdiwaxid Maxamed dhaqane ayaa bogaadiyay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, isaga oo xusay in mashaariicdan ay door weyn ka qaadanayaan horumarka iyo bilicda magaalada Kismaayo. Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay hay’adaha iyo saaxiibada caalamiga ah ee ka qeyb qaatay hirgelinta mashaariicdan muhiimka ah.