Wasaaradda Howlaha Guud Jubbaland oo qabatay aqoon-isweydaarsi lagu mideynayo nidaamka fasaxa dhismayaasha

0
173
Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowlada Jubbaland ayaa qabatay aqoon-isweydaarsi la-talin ah oo ku saabsan horumarinta iyo mideynta nidaamka oggolaanshaha dhismayaasha, si uu ula jaanqaado Siyaasadda Fasaxa Dhismaha ee Jubbaland.
Aqoon-isweydaarsigan waxaa ka soo qayb galay hawl-wadeenno ka tirsan wasaaradda, injineerro, xubno ka socday Dowladda Hoose, iyo wakiillo ka socday Waaxda Dhulka Jubbaland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdishukri Carab oo u furay madasha ayaa sheegay in ujeeddada aqoon-isweydaarsigu tahay:Mideynta iyo hagaajinta habraacyada bixinta fasaxyada dhismaha, Waafajinta sharciyada iyo tilmaamaha la xiriira dhismaha si ay ula jaanqaadaan siyaasadaha dowladeed, Dardargelinta horumarinta magaalooyinka si waafaqsan qorsheynta casriga ah
Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Jubbaland waxay dadaal joogto ah ugu jirtaa sidii loo mideyn lahaa loona casriyeyn lahaa dhammaan nidaamyada iyo habraacyada fasaxa dhismayaasha, si ay u noqdaan kuwo waafaqsan halbeegyada tayada sare leh iyo yoolalka horumarineed ee waara.