
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa kormeer ku sameeyey biyo-mareenka waddada Kibooro si uu u qiimeeyo xaaladda iyo horumarka shaqada halkaasi ka socota.
Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa hubinta tayada dhismaha iyo dardargelinta dadaallada lagu xallinayo dhibaatooyinka fatahaadaha iyo biyaha roobka, kuwaas oo saameyn ku yeesha isku socodka gaadiidka iyo nolol maalmeedka shacabka.
Guddoomiyuhu waxa uu ku ammaanay hawlwadeennada fulinaya mashruuca, isaga oo ku boorriyey inay si hufan oo waqtiyeysan u dhammaystiraan.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







