Dab xoogan oo ka kacay suuqa deegaanka Diif ee degmada dhoobley oo sababay khasaaro hantiyadeed oo baaxad leh

0
224
Dab xooggan ayaa xalay saqdii dhexe ka kacay suuqa Deegaanka Diif ee Degmada Dhoobley, kaas oo sababay khasaaro hantiyadeed oo ballaaran.
Dabka ayaa gubay ugu yaraan 12 xarumood oo ganacsi, kuwaas oo laf-dhabar u ahaa dhaqaalaha dadka deegaanka.
Guddoomiyaha Deegaanka Diif ayaa warbaahinta Dowladda Jubbaland u xaqiijiyay in dabka uu si degdeg ah u fiday, islamarkaana uu saameyn weyn ku yeeshay ganacsatada yaryar ee halkaasi ku sugan.
Inkastoo aan la sheegin sababta rasmiga ah ee dabka dhalisay, haddana waxaa la tilmaamay in dabku uu si lama filaan ah ku billowday saqdii dhexe ee habeenkii.
Dadka deegaanka ayaa si wadajir ah ugu gurmaday daminta dabka, iyagoo ku guuleystay in ay xakameeyaan si uusan ugu sii fidin goobo kale oo badan.
Dhacdadan ayaa imaaneysa xilli ay deegaanada gobolka Jubbada Hoose ka jiraan abaaro saameyn xooggan ku yeeshay dadka iyo duunyada, taas oo sii kordhinaysa culayska nololeed ee haysta bulshada.