Agaasimaha Guud ee Wasaaradda amniga Jubbaland oo furay tababar ku saabsan Booliseynta bulshada

0
155
Agasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Jubbaland, Mudane Xareed Kilaas Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah degaanka Goobweyn ee dhaca Magalada kismayo ka furay Tababar socon doono mudo 4 maalmood ah kuna saabsan hirgelinta nidaamka Booliseynta Bulshada(Community Policing),kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya bulshada iyo Booliska.
Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil ka tirsan Booliska iyo sidoo kale wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka, Intii uu socday kulanku, waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in bulshada door muuqda ka qaadato ilaalinta nabadda iyo ka hortagga falalka dambiyada.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd horumarinta habka Booliseynta bulshada, kor u qaadista doorka bulshada ee sugidda amniga, iyo xoojinta xiriirka iyo kalsoonida ka dhexeysa shacabka iyo ciidanka Booliska.
Kulanka ayaa la filayaa in uu soo saaro talooyin iyo qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo amniga, isla markaana lagu xoojinayo wada shaqeynta u dhexeysa bulshada Booliska Jubbaland, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.