Wasiirada Gargaarka iyo Tamarta Dowlada Jubbaland oo Kudhaa utagay si ay udhiirigaliyaan ciidamada halyeeyada ee har iyo habeen utaagan dabar jaridda cadowga.

0
195
Wasiiro ka tirsan Dowladda Jubbaland kala ah Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Ahmed H Baraki, iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Degmada Badhaadhe, Mudane Xasan Nuur Cabdi, ayaa safar shaqo ku tagay deegaan xeebeedka Kudhaa.
Masuuliyiinta ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee ciidamada Jubaland ee ku sugan furimaha hore, iyagoo halkaa u tegay booqasho salaan iyo dhiirrigelin, isla markaana lasoo qaadan doono farxadda munaasabadda Ciidda.
Masuuliyiinta ayaa ku ammaanay ciidamada doorka ay ka qaataan sugidda amniga, iyagoo xusay guulaha laga gaaray la dagaallanka kooxaha khawaariijta.
Sidoo kale, wafdiga ayaa la kulmay maamulka deegaanka iyo bulshada Kudhaa, iyagoo ka xog-wareystay xaaladda guud ee deegaanka, gaar ahaan saameynta ka dhalatay abaaraha, iyo baahiyaha la xiriira adeegyada aasaasiga ah sida Biyaha.
Ugu dambeyn, masuuliyiinta ayaa ballanqaaday in Dowladda Jubaland ay sii xoojin doonto taageerada ciidamada iyo horumarinta adeegyada bulshada, si kor loogu qaado amniga deegaannada.