Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Kismaayo oo Ka Qeyb Galay Madal Looga Hadlayay Ka Hortagga Khilaafaadka

0
204
Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo, Mudane Najiib Bare Salaad, ayaa ka qeyb galay madal looga hadlayay xogaha digniinta hore iyo jawaabta degdegga ah (EWER).
Madasha oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Somali Women’s Study Centre (SWSC), iyadoo ay taageero ka helayso hay’ada Saferworld.
Kulankan waxaa kaso qaybgalay Xildhibaan Foos Ali abdirahman iyo qeybo kamid ah Bulshada kudhaqan Degmada Kismayo.
Intii uu socday kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadaagista xogaha digniinta hore, dib u eegista xaaladaha la diiwaangeliyey intii u dhaxeysay Diseembar 2024 ilaa Janaayo 2026, iyo sidii loo xoojin lahaa ka hortagga khilaafaadka iyo badbaadada bulshada.
Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Mudane Najiib Bare Salaad ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Kismaayo ay bixisay xafiis ay ka go’an tahay xoojinta wada shaqeynta hay’adaha iyo bulshada si loo hormariyo nabadda loogana hortago xaaladaha khatar gelin kara amniga bulshada.