
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa xalay booqasho ku tagay qaar ka mid ah xarumaha ganacsiga ee magaalada, halkaas oo ay dadweynuhu ka adeeganayeen xilli saqdii dhexe ee habeenimo ah.
Guddoomiyaha ayaa si gaar ah lug ugu dhex maray Suuq Yare, oo ah suuq ay inta badan bulshada magaalada ka adeegsato, halkaas oo dadku ka iibsanayeen dharka iyo agabka Ciida, maadaama ay maalmo kooban ka harsan yihiin maalinta farxadda leh ee Ciida.
Duqa magaalada, oo isaguna wax ka soo adeegtay Suuq Yare, ayaa soo bandhigay muuqaal ka tarjumaya in magaalada Kismaayo ay tahay magaalo nabdoon, Wuxuuna uga mahadceliyay ciidamada kala duwan ee laamaha amniga iyo shacabka reer Kismaayo oo si wadajir ah uga shaqeeya sugidda amniga.
Booqashadaasi ayaa loo arkaa mid dhiirrigelin u ah ganacsatada iyo shacabka magaalada, isla markaana muujinaysa in Kismaayo ay ka mid tahay magaalooyinka nabdoon ee dalka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







