
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland, Maxamed Cismaan Jaamac (Jeemis), oo ay weheliyaan maamulka Degmada Afmadow, ayaa kormeer ku tegay xeryaha barakacayaasha ee degmada Afmadow, halkaas oo ay ugu kuurgalayeen xaaladda dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Kormeerkan ayaa daarnaa indha-indhayn iyo qiimeyn lagu sameynayay xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta degmada iyo deegaannada hoos yimaada, kuwaas oo si weyn ay u saameeyeen abaaraha ka jira Soomaaliya.
Intii uu socday kormeerkan, Wasiir Ku-xigeenka ayaa u kuurgalay xaaladda dhabta ah ee halkaasi ka jirta, isaga oo la kulmay qoysas danyar ah oo ka soo barakacay abaaraha, kuwaas oo xoolahoodii ay ka dhammaadeen.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland, Maxamed Cismaan Jaamac, ayaa sheegay in maalmaha uu ku sugan yahay Degmada Afmadow la gaarsiin doono gurmad dadka ay abaaruhu wax-yeelleeyeen, isla markaana si degdeg ah looga jawaabi doono baahiyahooda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







