
Ciidanka Guutada 3-aad ee Daraawiishta Dowladda Jubbaland oo fadhigoodu yahay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa maanta fashiliyey miino ay maleeshiyaadka Khawaarijta doonayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.
Laamaha amniga oo hayay xogta ku saabsan dhagarta kooxda ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan miinadaas, islamarkaana ay ka badbaadiyaan shacabka sooman falalka guracan ee ay qorsheynayeen.
Kadib howlgallo sifeyn ah oo ay sameeyeen ciidanka halyeeyada Dowladda Jubbaland ee ku sugan degmada Ceelwaaq, ayaa lagu guuleystay in la xakameeyo isku dayada qaraxyada iyo falalka amni darro ee maleeshiyaadka.
Ciidanka ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







