
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Jubbaland Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa shir-guddoomiyay kulan wadatashi iyo is-xogwaraysi ah oo ay la yeesheen Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, mideynta mowqifka siyaasadeed, iyo ka tashiga arrimaha mudnaanta u leh shacabka Jubbaland iyo guud ahaan dalka. Guddoomiyuhu wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo isku-duubni iyo wada-tashi joogto ah si loo xaqiijiyo danaha ummadda iyo horumarka dowlad-dhisidda.
Sidoo kale, xubnaha labada gole ayaa soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta midnimada, dastuurka, iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diirada lagu saray in la xoojiyo wada shaqeynta iyo wada tashiga joogtada ah, si Jubbaland ay door muuqda uga qaadato geeddi-socodka dowlad-dhisidda iyo horumarka qaranka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







