Dhagayso: Kobca Fahamka Siyaasadda Adeeg-Daadejinta ee dowladda Jubbaland Session#14

0
330

Barnaamijyada ku saabsan Siyaasadda Adeeg-daadejinta ee Jubbaland ee todobaadyadii aad ka dhagayteen Radio waxay lahaayeen muhiimad weyn oo dhinacyo badan taabanaysa.
Waxay noqdeen madal lagu iftiimiyo fahamka saxda ah ee adeeg-daadejinta, laguna caddeeyo ujeeddooyinkeeda iyo sida ay uga qayb qaadanayso horumarinta adeegyada dadweynaha.
Intii ay socdeen barnaamijyadu, bulshada si qoto dheer ayay u fahmeen macnaha adeeg-daadejinta iyo faa’iidada ay u leedahay noloshooda maalinlaha ah.
Dad badan ayaa ka bartay sida awoodaha iyo adeegyada loogu wareejinayo heerarka hoose ee maamulka, si loo helo adeegyo hufan, dhow, kana turjumaya baahiyaha dhabta ah ee deegaanka.
Sidoo kale, barnaamijyadu waxay sare u qaadeen wacyiga bulshada, iyagoo dadka ku dhiirrigeliyay inay ka qayb qaataan go’aan-qaadashada iyo la socodka adeegyada loo fidinayo.
Taasina waxay xoojisay kalsoonida iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa dowladda iyo shacabka, isla markaana abuurtay bulsho si wanaagsan u fahamsan doorkeeda ku aaddan horumarinta maamul daahfuran oo isla xisaabtan leh.dhagayso