
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland Mudane Sheikh Cabdi Maxamed ayaa maanta ku qaabilay Madaxtoyada Jubbaland wafti ka socday UNICEF oo ay hoggaaminaysay Wakiilka Soomaaliya, Sandra Lattouf.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta ba’an ee ka jirta Jubaland, taas oo saameyn xooggan ku yeelatay nolosha bulshada, gaar ahaan carruurta iyo haweenka nugul, islamarkaana u baahan gurmad degdeg ah iyo dadaal mideysan oo heer qaran iyo heer caalami ah.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay xoojinta iyo sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya Dowladda Jubaland iyo UNICEF, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, nafaqada, biyaha, waxbarashada, iyo ilaalinta carruurta.
Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa wasaaradaha kala duwan ee wada-shaqaynta la leh UNICEF, si loo xaqiijiyo isku-duwid hufan iyo hirgelinta barnaamijyada mudnaanta leh.
Ugu dambeyn, Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wakiilka UNICEF ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray xaaladda abaarta, baahida degdegga ah ee gurmadka, iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga horumarineed si loo yareeyo saameynta masiibooyinka soo noqnoqda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







