Jubbaland oo dar dar galinaysa Howlaha ay Degmada Afmadow ku yeelanayso Garoon diyaaradeed oo casri ah.

0
157
Agaasimaha Waaxda Duulista Hawada Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Jubaland Maxamed Cawaale, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin injineerro ka socday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee World Food Programme (WFP), ayaa  safar shaqo ku gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Wafdigan ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay xarunta degmada, iyadoo ay qaabileen maamulka degmada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan heerarka kala duwan ee dowlad deegaanka.
Intii uu socday booqashadu, maamulka degmada oo ay wehliyeen wafdiga iyo injineerrada WFP, ayaa kormeer ku sameeyay dhammaan marinnada muhiimka ah ee soo gala deegaanka Lake Dheeraa, kuwaas oo muddo dheer caqabad ku ahaa isu socodka gaadiidka, ganacsiga iyo bulshada rayidka ah. Waddooyinkan oo ay saameeyeen roobab iyo dayac soo jireen ah ayaa sababay hakad ku yimaada isku xirka garoonka iyo magaalada.
Ujeedka safarkan ayaa ahaa qiimeyn farsamo oo ku aaddan dib-u-dhiska iyo tayeynta waddooyinka halbowlaha u ah isku xirka garoonka diyaaradaha iyo magaalada Afmadow.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato dardargelinta dhaqaalaha, fududeynta adeegyada bulshada iyo sare u qaadidda amniga isu socodka.
Guddoomiyaha degmada Afmadow ayaa ku Boggaadiyey wafdiga booqashadooda iyo dadaalka ay ugu kuurgalayaan baahiyaha ka jira degmada, isaga oo si gaar ah u codsaday in mudnaan la siiyo hagaajinta marinada gala garoonka diyaaradaha Afmadow, maadaama dhawaan la qorsheynayo in garoonkaasi loo dhiso qaab casri ah oo la jaanqaadaya baahida sii kordheysa ee duulimaadyada iyo horumarka deegaanka.