
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland Mudane Maxamed Cabdi Kaliil ayaa soo xiray tababar 3 maalmood ahaa oo loo qabtay saraakiil ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, kaas oo diiradda lagu saarayo ilaalinta rayidka iyo yareynta waxyeellada ka dhalan karta howlgalada amniga.
Furitaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Xildhibaan deeq oo ah gudoomiye kuxigeenka gudiga amniga iyo arimaha bulshada ee barlamanka dowlada jubbaland,
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland Xared kilaas Cabdi, wakiillo ka socday hay’adaha IOM iyo Center for Civilians in conflict (CIVIC), iyo marti sharaf kale.
Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ayaa ujeeddadiisu tahay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha, si loo xoojiyo ilaalinta bulshada rayidka ah inta lagu guda jiro howlgalada amni iyo kuwa la dagaallanka khataraha nabadgelyo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






