
Qoraal ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu cambaareeyay is-hortaaggii lagu sameeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Golaha Mustaqbalka.
Qoraalkaas oo uu Goluhu soo saaray ayaa u qornaa sidan”
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu cambaaraynayaa is-hortaaggii ay ciidamadu ammaanku ku sameeyeen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, oo ka qayb geli lahaa kulan uu Goluhu ku lahaa Hotel Airport oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Kulankaas ayaa loo qorsheeyey diyaar-garow wada-xaajoodka la filayo inuu dhex maro Dowladda Federaalka ah iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Golaha Mustaqbalka waxa uu ka go’an yahay ka qaybgalka iyo ka mira-dhalinta wadahadallada lagu xallinayo jiha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan in heshiis loo dhan yahay laga gaaro hanaanka doorashooyinka dalka, si loo baajiyo firaaq dastuuri ah iyo khilaaf siyaasadeed oo hor leh.
Sidoo kale, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, inuu mudnaan siiyo isu keenidda iyo midnimada shacabka, halkii uu ku mashquuli lahaa dano siyaasadeed oo sii kala fogeynaya ummadda Soomaaliyeed.
Madxweynaha Dowladda Federaalka iyo hay’adaha amniga waxaa saaran waajibaadka maamuuska iyo habraacyada gaarka ah ee ay leeyihiin Madaxweynayaashii hore, Ra’iisul Wasaareyaashii hore iyo mas’uuliyiinta sare ee dalka. Ixtiraamka iyo dhowrista maqaamkoodu ma aha arrin shakhsiyeed, balse waa waajib qaran oo ka turjumaya sharafta hay’adaha dowliga ah iyo joogtaynta nidaamka dowladnimo.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu diyaar u yahay ka qaybgalka iyo qabsoomidda shirarka u dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Golaha Mustaqbalka, si loo gaaro heshiis doorasho oo lagu badbaadinayo sharciyadda hay’adaha dowladda, loogana hortago qalalaase siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah”

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






