
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Jubaland, Mudane Saacid Cabdullaahi, iyo wafdi uu hogaaminaayo oo ay qayb ka yihiin injineerro ka socday hay’adda WFP ayaa gaaray dagmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Ujeedka socdaalkan ayaa daarnaa indha indhayn iyo kormeer guud oo lagu sameynayo Garoonka Diyaaradaha Degmada Afmadow, kaasi oo qorshuhu yahay in dib-u-dhis iyo casriyeyn ballaaran lagu sameeyo.
Mashruucan dhismaha iyo dib-u-habaynta Garoonka Diyaaradaha Degmada Afmadow, ayaa waxaa fulinaya hay’adda WFP, halka maalgelintiisana uu bixinayo Bangiga Adduunka, taas oo qeyb ka ah dedaallada lagu horrumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Jubbaland mudane Saaacid Cabdullaahi ayaa sheegay in dib-u-dhiska garoonku uu door weyn ka qaadan doono koboca dhaqaalaha, ganacsiga, isku socodka dadka iyo badeecadaha, xoojinta amniga iyo horumarka guud ee deegaanka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







