
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose oo kulan la qaatay geybaha kala duwan ee bulshada ee ku nool deegaanka Deg’elema oo hoostagta degmada Dhooblev.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Kornayl Sadiiq Maxamuud Dhogor oo safar shaqo ku tagay deegaanka Deg’elema oo hoostaga Degmada Dhoobley, ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadlay in ay ka qayb qaataan dadaalada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta, wadajirka bulshada iyo ciribtirka Maleeshiyada Khawariita.
Kulankan oo ay ka qayb ahaayeen, Gudoomiyaha Degmada Dhoobley, Mudane Xasan Cabdi Xaashi, Taliyaha cusub ee Saldhiga Booliska Degmada Dhoobley, Gaashaanle Dhexe Cabdiqaadir Xasan Cabdi, Gudoomiyaha Maxkamadda Jubaland, Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim (Faaqid) Saraakiisha Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida, ayeey bulshadu kusoo bandhigeen talooyin ku aaddan ilaalinta ammaanka deegaanka, dowlad dhiska iyo la dagaallanka kooxda Maleshivada Khawarijta.
Ugu dambayn Kulanka Waxaa sooxiray Taliyaha Boliceka Sadia Maxamed Dhagor oo Bulshada Deganka Deg.elama kula Dar darmay In ay Lama Amaanka kala shaqeeyan Sugida Amniga Deganka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







