Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Jubaland oo kormeer shaqo ku tegay degmada Afmadow, si loo qiimeeyo xaaladda abaaraha.

0
227

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland, ahna Guddoomiyaha Guddiga Wasiirrada Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Maxamed (Dhiriq), ayaa gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu ku tegay booqasho shaqo oo uu ugu kuur-galayay xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira deegaanka.

Wasiirka ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka degmada Afmadow, saraakiisha amniga, guddiga gurmadka abaaraha ee degmada, iyo wakiillo ka socday hay’adaha ka howlgala deegaanka. Intii uu kulanku socday, waxaa la dhageystay warbixinno kala duwan oo ay soo jeediyeen guddiga abaaraha Afmadow, iyadoo diiradda la saaray sidii gargaar iyo gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Kadib markii uu kulanku soo idlaaday, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland, oo ay weheliyaan maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee degmada Afmadow, ayaa kormeer ku tegay xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla duleedka magaalada. Waxay halkaas ugu kuur-galeen xaaladda adag ee ay ku nool yihiin barakacayaasha iyo dadka ay abaaruhu ka laayeen xoolaha.