
Ciidanka booliska dagmada Afmadow ayaa gacanta ku soo dhigay rag ku howlanaa ka ganacsiga iyo laynta ugaarta si sharci-darro ah, kuwaas oo horey loogu digay in ay ka fogaadaan xaalufinta iyo waxyeellaynta ugaarta deegaanka.
Falkan ayaa halis weyn ku ahaa duur-joogta iyo guud ahaan deegaanka, iyadoo horey ay u jireen awaamiir cad oo lagu mamnuucay laguna la dagaallamayo xaalufinta duur-joogta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee deegaanka.
Guddoomiyaha dagmada Afmadow ahna Duqa Magaalada, Cabdiraxmaan Macallin Cali (Xaaji-Maaji), ayaa sheegay in raggan lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka ammaanka, isla markaana si degdeg ah loo horgeyn doono hay’adaha cadaaladda si sharciga loo waafajiyo.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada ku dhaqan dagmada Afmadow iyo guud ahaan deegaanka in ay kaalin mug leh ka qaataan ilaalinta duur-joogta, ka hortagga xaalufinta deegaanka, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo ilaaliyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







