
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland, Marwo Cadar Ismaaciil Juraate, oo ay wehlinayso Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Jubbada Hoose, ayaa gaarsiisay cunto fudud oo ay kamid tahay buskud, ciidanka Dowladda Jubbaland ee ku sugan jiidaha hore ee Jana Cabdalle.
Buskudkan ayaa waxaa si gaar ah u soo dubay haweenka gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan kuwa degmada Kismaayo, iyagoo muujiyay kaalintooda taageerada ciidanka iyo doorkooda ku aaddan difaaca dalka.
Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay deegaanka Jana Cabdalle, waxaana halkaas ku qaabilay saraakiisha ciidanka Darawiishta ee fadhigoodu yahay Jana Cabdalle, oo uga mahadceliyay haweenka Jubbaland garab istaagga iyo dhiirigelinta ay la garab taagan yihiin ciidamada Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







