
Dood ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheeyraadka Biyaha Dowladda Jubbaland slamarkaana su’aalo lagu weeydiinayay Wasiirka Wasaarada Axmed Zubeyr Baraki iyo Maareeyayaasha Shirkadaha Adeegyada Korontada iyo Biyaha Bixiya ayaa ahaa mid ay Bulshada iyo Masuuliyiinta Dowlada ay ka qeybgaleen.
Madasha waxaa ku sugnaa Xildhibaano katirsan Dowladda Federaalka, Wasiirada qaar ee Jubbaland, iyo Bulshada qeeybaheeda kala duwan.
Bulshada iyo qeeyabaha Masuuliyiintii Madasha ku sugkaa ayaa su’aalo adag weeydiiyay Maamulka shirkadaha Korontada iyo Biyaha ee WESCO iyo JUBBA, kuwaasi oo Bulshada ay Cabasho ka qabeen adeeg Bixintooda.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







