Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya&Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

0
227
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, iyadoo la falanqeeyay caqabadaha taagan iyo fursadaha lagu xoojin karo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Kismaayo.

 

Madaxweynaha Jubaland ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay maamulkiisu inuu ka shaqeeyo nabadda, wadajirka, iyo dowladnimo ku dhisan wadatashi iyo is-ixtiraam, halka wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ay ballan-qaadeen inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo xasillooni siyaasadeed iyo horumar waara.