
Laamaha Amniga degmada Dhoobley ee dowladda Jubbaland ayaa soo qabtay eedeysane Jeelle Maxamed Cusmaan, oo lagu eedeeyay inuu fal arxan-darro ah u geystay laba wiil oo 14 sano jir ah.
Jeelle Maxamed Cusmaan ayaa lagu eedeeyay inuu dil iyo dhaawac u geystay labada wiil xilli ay kasoo soo baxeen dugsiga Qur’aanka.
Eedaysanaha ayaa toorey u adeegsaday weerarka, mid ka mid ah wiilasha ayaa geeriyooday halka kan kalena uu dhaawac culus ka soo gaaray, iyadoo xaaladdiisa lagu daawaynayo isbitaalka.
Laamaha Amniga degmada Dhoobley oo raadin iyo baadi-goob ku hayay eedaysanaha ayaa ugu dambayn gacanta kusoo dhigay.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







