Gudoomiyaha Degmada Doolow oo daah-furay kullanka  wadatashiga qorshaha horumarinta Jubaland ee 5-sano soo socota

0
242
Gudoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Hussein Abdi lafeey ayaa daah-furay kullanka  wadatashiga qorshaha horumarinta Jubaland ee 5-sano soo socota oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland.
Shirkan Wadatashiga ah waxaa diiradda lagu saarayaa afar tiir oo muhiim ah oo kala ah: Maamul wanaagga, Horumarinta Dhaqaalaha, Deegaanka, Isbeddelka Cimilada. Iyo Arimaha bulshada Muhiimadda Shirkan waxay tahay in la falanqeeyo fursadaha iyo caqabadaha ka jira Degmada, lagana doodo xalka iyo qorshayaasha shanta sano ee soo socota.
Gudoomiye Lafeey oo daah-furay shirka ayaa bidhaamiyey baahida loo qabo qorshe cad iyo mudnaanta howlaha muhiimka ah si loo gaaro horumar waara, Waxaana uu sheegay in natiijooyinka shirka ay gacan ka geysan doonaan diyaarinta Qorshe cad oo Degmada Doolow horumarinaya shanta sano ee soo socota.