
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, oo ay wehelinayeen agaasimaha guud ee wasaaradda iyo madaxda waaxyaha kala duwan, ayaa maanta kulan hordhac ah la yeeshay wafdi ballaaran oo ka socday hay’adda UNICEF. Wafdiga waxaa hoggaaminaysay madaxa UNICEF u qaabilsan Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, iyo Gobolka Banaadir, waxaana ay la socdeen madaxda waaxyaha qorsheynta iyo dabagalka & qiimeynta ee hay’adda.
Kulankan ayaa hordhac u ahaa wafdi ballaaran oo lagu wado in ay maalmaha soo socda booqdaan magaalada Kismaayo, iyadoo diiradda lagu saaray dardargelinta iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland iyo hay’adda UNICEF.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay iska xog-wareysteen mashaariicda socda, qorshayaasha horumarineed ee la xiriira adeegyada bulshada, iyo habraacyada lagu xoojinayo iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Jubbaland iyo UNICEF.
Wasiir Cabdiraxmaan ayaa uga mahadceliyey hay’adda UNICEF taageerada ay siiso Jubbaland, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhab ah oo lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







