Wasiirka Arrimaha Gudaha , Wasiiru Dawlaha Waxbarashada, Guddoomiyaha degmada, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland, oo si wadajir ah dhagax dhigay dib-u-dayactirka iskuulada Ganaane iyo Midnimo.

0
202
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Ogle, oo ay wehelinayaan Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland, Axmed Naaji Xaaji Cabdullaahi, Guddoomiyaha degmada Kismaayo Cumar Cabdullaahi Maxamed, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland, ayaa maanta si wadajir ah dhagax dhigay dib-u-dayactirka iskuulada Ganaane iyo Midnimo ee degmada Kismaayo.
dhagax dhiga ayaa muhiim u ah dib-u-habeynta adeegyada waxbarashada ee magaalada Kismaayo, iyadoo ay iskuuladaasi ka mid yihiin goobaha ugu waaweyn ee carruurta deegaanka ay wax ka bartaan.
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo, Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa munaasabadda ka sheegay in dayactirka iskuuladu uu muhiim u yahay horumarinta waxbarashada, isla markaana uu wax weyn ka tari doono fursadaha waxbarasho ee bulshada deegaanka.
Sidoo kale, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland, Axmed Naaji Xaaji Cabdullaahi, ayaa hoosta ka xariiqay in tallaabadani ay horseedi doonto in arday badan oo ka haray waxbarashada ay dib ugu soo laabtaan iskuulada, isla markaana sare loogu qaado tayada waxbarashada gobolka.
Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Ogle, oo gebogabadii munaasabadda hadlay, ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay qorshaha Jubbaland ee lagu xoojinayo adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan waxbarashada, si loo dhiso jiil aqoon iyo mustaqbal wanaagsan leh.