Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo Kulan la Qaatay Ciidamada AUSSOM ee Dhoobleey

0
369
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa kulan muhiim ah magaalada Dhoobleey kula yeeshay ciidamada nabad ilaalinta u Jooga Somalia AUSSOM ee (KDF), kuwaas oo uu hoggaaminayay Col. Maurice Wasomi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada la xiriira adeegyada caafimaadka ee Isbitaalka Guud ee Dhoobleey. Waxaa si gaar ah looga hadlay sidii loo sii dardar-gelin lahaa wada shaqeynta si bulshada deegaanka u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Labada dhinac waxay isla garteen in ay muhiim tahay in si dhow loo wada shaqeeyo, si adeegyada caafimaad ay u noqdaan kuwo joogto ah oo waxtar leh.