Guddoomiyaha Degmada Afmadow oo Kormeeray Dib-u-Dayactirka Waddada Xiriirisa Afmadow, Dhoobleey iyo Kismaayo

0
415
Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Af-madow, Mudane Cabdiraxmaan Macallin Cali ayaa waxa uu kormeer ku sameeyaya dib-u dayactir lagu sameynayo waddada xiriirsa Degmada Af-madoow, Dhoobleey iyo Kismayo.
Guddoomiyaha ayaa kormeerkan waxaa ku wehliyay Agaasimaha Maaliyadda degmada, Mudane Najiib Axmed Yoos, iyo Taliyaha Amniga Dagmad Afmadow, G/sare Siyaad macallin bashiir.
Waddadaan oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ayaa waxa uu dib-u dayactirkeeda uu imaanayaa xilli maamulka degmada uu xoojinayo ballanqaadkiisii haore ee ahaa in wax la taaban karo ay u qabanayaan bulshada Degmada.