Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo Kismaayo ku qabatay kulan lagu dardargelinayo wada-shaqaynta iyo adeeg-bixinta bulshada

0
383

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa magaalada kismaayo ku qabatay kulanka isku duwidda ee u dhaxeeyay Wasaaradaha Dowladda Jubbaland.
Kulankan ayaa waxaa daahfuray Madaxa Xasilinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland Abdiwaaxid Xaaji, Waxaana Madasha goob joog ahaa Maamulka Gobolka Jubbada hoose, Kan degmada Kismaayo, Masuuliyiin ka kala socday Wasaaradaha Dowladda Jubbaland.
U jeedada kulanka ayaa daaranaa Kor u qaadista Wada shaqaynta iyo isku dabaridka Dowladda Wanaaga iyo adeeg bixinta Bulshada.
Dhamaan Masuuliyiinta Shirkan Goob Joog ahaa ayaa si isku mid ah u sheegay inay la dardargaliyo
Gaarsiinta adeegyada muhiimka u ah Bulshada gaar ahaan dadka nugul.