
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa u fariistay dhageysiga dacwad ciqaabeed oo loo haysto Cabdiqaadir Maxamuud Xasan, oo ka tirsan Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowladda Jubbaland, kaas oo horay u dilay Marxuum Aadan Maxamed Maday, oo ka mid ahaa shacabka ku nool degmada Kismaayo.
Fadhiga Maxkamadda waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda iyo labada kuxigeen ee la shaqeeya, Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, baarayaashii kiiska gacanta ku hayay, iyo qareenka u doodayay eedeysanaha.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa furay fadhiga, isagoo faahfaahin ka bixiyay kiiska maxkamaddu ay maanta u fadhiisatay.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali, ayaa sharaxaad ka bixiyayeedaha xafiiskiisu kusoo oogay eedeysanaha.
Intaas kaddib, Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa eedeysanaha weydiiyay sida uu uga jawaabayo qodobbada lagu soo eedeeyay ee uu xafiiska Xeer Ilaalintu soo gudbiyay.
Dhankiisa, Qareenka difaacayay eedeysanaha, Aaden Bahdoon Ibraahim, ayaa maxkamadda horteda ka jeediyay qodobbada uu ku difaacayo eedeysanaha.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa soo xiray fadhiga maxkamadda.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







