
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowladda Jubbaland, Cabdiweli Xuseen Jaamac, ayaa magaalada Kismaayo ka daahfuray wejiga saddexaad ee tababarka tababarayaasha ee ku saabsan habka qorista siyaasadaha iyo shuruucda, kaas oo maalmahan ka socday magaalada Kismaayo.
Furitaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda, Agaasimaha Wasaaradda Amniga, Xildhibaano, xubno ka tirsan bahda sharciyaqaanada, qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda iyo hay’adaha dowladda, iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee bulshada.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







