
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay shir muhiim ah oo lagu ansixinayay Kooxda Shaqada Farsamada ee Maareynta Sahaminta Daawooyinka (Pharmaceutical Supply Management – Technical Working Group, PSM TWG).
Shirkan ayaa ah tallaabo istiraatiiji ah oo lagu dardargelinayo nidaamka maaraynta sahayda caafimaadka, iyada oo la isku xoojinayo howlaha la xiriira sahayda daawooyinka iyo qalabka caafimaadka ee Wasaaradda.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay: Agaasimaha Waaxda Sahayda iyo Qalabka Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xirsi, Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ahna Agaasimaha Waaxda Arrimaha Qoyska, ee Wasaaradda Dr. Maxamed Bashiir Nuur, Agaasimaha Waaxda Adeegga Caafimaadka ee Jubbaland Mudane Ismaaciil Cali Maxamud, Agaasime-waaxeedyada kale ee wasaaradda, Saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee bahda caafimaadka, Wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee bahwadaagta la ah Wasaaradda
Shirkan ayaa waxa si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda ansixinta iyo hirgelinta kooxda PSM TWG oo noqon doonta tiir dhexaad u ah horumarinta nidaamka sahayda caafimaadka ee Jubbaland.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland ayaa ku bogaadisay dhammaan ka qaybgalayaasha shirkan, Doorkooda Firfircoon, iyadoo balanqaaday in ay sii xoojin doonto wada-shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta kale, si kor loogu qaado tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaad ee shacabka Jubbaland.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







