Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Jubbaland oo Magaalada kismaayo ka Daahfurtay Qorshaha Ilaalinta Bulshada

0
258
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Jubbaland ayaa Magaalada kismaayo ka Daahfurtay Qorshaha Ilaalinta Bulshada ee 2025–2029
Daah-furka Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin: Guddoomiyaha Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Jubbaland, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaano, Agaasimayaal guud, Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Maamulka Degmada Kismaayo, Iyo Masuuliyiin kale.
Dhankiisa, Siyaad Ibraahim Maxamed, Guddoomiyaha Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland, ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la helo qorshe waara oo bulshada lagu ilaalin karo, looguna adeegayo si hufan.
Ibraahim Maxamed Qooshow, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Dowladda Jubbaland ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid laf-dhabar u noqon doona xoojinta adeegyada bulshada, gaar ahaan kuwa u baahan daryeelka gaarka ah sida dadka naafada ah, haweenka, iyo carruurta.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Jubbaland ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in qorshahan uu noqon doono mid furan, lagana qaybgelin doono dhammaan bahda bulshada si loo helo xal waara oo ay bulshada Jubbaland ku gaarto horumar iyo barwaaqo.