Madaxweyne Ku-Xigeenkii Labaad ee Dowladda Jubbaland oo Aas Qaran Looga Sameeyay Magaalada Kismaayo

45

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Kismaayo aas qaran loogu sameeyay Madaxweyne Ku-Xigeenkii Labaad ee Dowladda Jubaland, Marxuum Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.
Marxuumka oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu aasay magaalada Kismaayo, waxaan aaska ka qeyb galay madaxweynaha dowladda Jubbland mudane Axmed Maxamed Islaam mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda jubbaland, xubno ka socaday labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, saraakiil, odayaal dhaqameed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si ay uga qeyb qaataan aaska qaran ee loo sameeyay.

Madaxweynaha dowladda jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud uu ahaa shaqsi astaan u ahaa dal-jacayl, midnimo bulsho, iyo samatalin dhab ah. Wuxuu door muuqda ka qaatay dhismaha hay’adaha Dowladda Jubaland, isagoo si hagar la’aan ah uga shaqeynayay saldhigga dowladnimo ee deegaanka ka hanaqaaday.

Sidoo kale, Marxuumku wuxuu hormuud ka ahaa dadaalladii dib u heshiisiinta bulshada, isagoo mar walba door firfircoon ka ciyaarayay geeddi-socodka nabadda, horumarka, iyo wadajirka shacabka Jubaland.
Maanta, waxa ugu weyn ee aan u qaban karno waa in aan u duceyno, una barinno Eebbe inuu janatul fardowsa ka waraabiyo, danbigiisana dhaafo. Annagana waxaa ina saaran masuuliyad ah in aan sii wadno waddadii uu noogu tegay: midnimo, horumar, iyo nabad waarta”