Madaxweynaha Dowladda Jubbaland oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweyne Ku-xigeenkii Labaad ee Jubbaland

39
Madaxdnaha dowladda Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyey geerida allah u naxariiste Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Dowladda Jubbaland Marxuum Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo goordhaw ku geeriyooday magaalada Nairobi.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, Bulshada Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Allah ha u naxariistee Madaxweyne ku xigeenkii Labaad ee Dowladda Jubaland, Marxuum Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo maanta ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay maalmahii u dambeeyay.
Marxuumku wuxuu ahaa halyey kaalin muuqata ka qaatay dadaalladii dib u heshiisiinta Jubaland, isagoo noloshiisa inta badan u huray midnimada, wadajirka, iyo horumarka bulshada.
Wuxuu ahaa masuul ay ka go’an tahay in xal loo helo dhibaatooyinka taagan, kuna dadaalayay in uu dadka isu keeno.
Waxaan Allah uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qoyskii, ehelkii, bulshada reer Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay” ayuu yir madaxdnaha dowladda Jubbaland.