
Wasiirka Amniga Jubbaland oo ay wehlinayan Taliyaha daraawiishta Jubbaland ee Gobalka Gedo iyo Gudoomiyaha Degmada Doolow ayaa booqday Taliska Ciidanka Darawiishta Jubbaland ee Doolow waxaa ay masuuliyiinta halkaas kula hadleen qaar kamid ah Ciidamada Darawiishta Jubbaland.
Ciidamada ayey ku amaanen inay habeen iyo maalin u taagan yihiin sidii ay nabadgalyo ugu seexan lahayeen shacabka ku nool deegaankan kuwaas oo si xor ah nolol maalmeedkooda ula halgamaya.
Wasiirka amniga iyo taliyaha daraawiishta yaa si gaar ah ugu mahad celiyay Gudoomiye Mohamed Hussein Abdi lafeey ciidanka awoodan leh ee u dhisay Gobalka iyo degaanka.
Gudoomiye Mohamed Hussein abdi lafeey ayaa Saraakiisha iyo askarta ku booriyay in ay laban laaban dadaalkooda iyo u diyaar garoowgooda howlgalada ka socda degaanadda jubbaland.








