
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa sameeyey kormeer shaqo oo uu ku tagay goobaha laga hirgeliyey biyamareenno magalada ayada oo 24-kii saaac ee lasoo dhaafay ay magalada kismaayo ka da,ayeen roobab mahiigaan ah.
Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu hubinayo tayada iyo waxtarka mashaariicda horumarineed ee laga fuliyay magaalada gaar ahaan biyamareennada.
Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in lagu qiimeeyo heerka shaqo ee biyamareennada iyo sida ay uga jawaabayaan baahiyaha deegaanka, gaar ahaan xagga maaraynta biyaha roobka iyo ka hortagga fatahaadaha.
Duqa magaalada ayaa sheegay in biyamareennadan ay door weyn ka ciyaareen horumarinta bilicda magaalada iyo badbaadinta dadka ka agdhow meelaha fatahaaduhu saameeyaan, isagoo xusay in maamulka degmada uu sii wadi doono kormeerada noocan oo kale ah si loo xaqiijiyo hufnaanta adeegyada bulshada.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







