
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa u fadhiisatay dhageysiga kiiska dacwadda labaad ee loo haysto eedeysanayaasha kala ah Bile Xuseen Aadan, oo ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Axmed Aadan Ibraahim, iyo Xasan Cabdullaahi Abshir (Faaruuq), oo lagu soo eedeeyay inay la shaqeynayeen, islamarkaana gacan siinayeen kooxda Khawaarijta.
Fadhiga Maxkamadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda iyo labadiisa kuxigeen’ xeer-ilaaliyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, qareenkii u doodayay eedeysanayaasha, iyo baarayaashii kiiska saddexda eedeysane.
Kadib dood dheer oo dhex martay dhinacyada dacwadda, waxaa fadhiga soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, isagoo ku wargeliyay dhinacyada dacwadda in kiiskan uu yeelan doono fadhi saddexaad, waxaana Maxkamaddu si gaar ah dib uga soo sheegi doontaa waqtiga la qabanayo.