
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka dowladda Jubbaland ayaa kulan la qaatay Ururka Dhaqaatiirta Jubbaland, iyadoo shirka ay goobjoog ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo howl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda.
Muhiimadda kulanka ayaa ahayd sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta caafimaadka maxaabiista.
Ururka Dhaqaatiirta Jubbaland ayaa madasha kusoo bandhigay qorshayaal la xiriira daryeelka caafimaad ee maxaabiista iyo sidii adeegyadooda loo horumarin lahaa.