Wasaaradda Haweenka Jubbaland oo bulshada Afmadow ufurtay tababar ku saabsan dhaqanka

90

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland ayaa Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ka daah-furtay siminaar Muddo seddex cesho ah soconaya, kaas oo looga hadlayay wacyiga bulshada mid diimeed iyo dhaqan ahaan-ba.

Siminarkan ayaa waxa ka soo qayb galay wax-garadka Deegaanka, Dhaqanka, Ururrada haweenka, culimada dagmada, iyo bulshada rayidka qaybahooda kala duwan.

 

Ujeedka aqoon kororsigan ayaa ahaa sidi kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada, islamarkaasina laga qayb galiyo wada xaajood-yada dhinacyada ay quseyso.