
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fadaraalka iyo dib u hishiisiinta Dowladda Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Ogle ayaa shir Gudoomiyay Shirka Billaha ee Howl-wadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo bishii mar la qabto.
Kulanka Wasiirka iyo Howl-wadeenada ayaa waxaa lagu lafaguray Shaqooyinka hortabinta u leh Wasaaradda, Sidii loo dardar galin lahaa adeegyada Bulshada, Sanadkii lasoo dhaafay Waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda iyo qorshayaasha Sanadkaan la rabo in la qabto ayadoo Howl-wadeenada ay kaashanayaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowlada Jubbaland Mudane Mohamed Ogle
Gabagabada Shirka ayaa Wasiir Maxamed Ibraahim Ogle waxa uu bogaadiyay Dadaalka ay Shaqaalaha Wasaaradda ku bixinayaan u adeegida shacabka asagoo ku amaanay Howl-wadeenada sida hagar la aanta ah ee u dardar galinayaan Shaqooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Jubbaland waxa uuna kula dardaarmay in dadaalkooda ay halkaasi kasii wadaan.