Puntland oo saldhigyo hor leh ka qabsatey Daacish

28

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa dagaal culus la galay Maleeshiyadka argagixisada Daacish ee ku sugnayd deegaanka Haraaryo, Toga-Jaceel, oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad.
Howlgalkaan ayaa yimid kadib markiiĀ  duqaymo cirka ah lala beegsaday kooxda IS, taasoo keentay in xubno ka mid ah kooxda firxad ah kasoo baxaan godadkii ay ku dhuumaalaysteen.
ciidamada Puntland ayaa si adag uga hortagay firxadkaas, iyagoo ciqaab culus ku mariyay kooxda Daacish ee ku sugnayd deegaanka Haraaryo, Toga-Jaceel ee Calmiskaad.