Baarlamaaka Hirshabelle oo dhageysanaya hadal jeedinta musharixiinta aqalka sare.

73

Maanta oo Isniin ah ayaa la filayaa in xildhibaanada Baarlamaanka maamulka  Hir-Shabeelle  ay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban ee DG Hir-Shabeelle ayaa sheegay in 9-kii ilaa 12-kii September 2021 la diiwaangelinayay musharixiinta kusoo baxay Liiska uu soosaaray Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee uu markii hore soo saaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay gaarayeen 34 Xubnood, balse 7 kamid ah ay tartanka isaga hareen.

Maalinta Berito ayaa waxaa lagu wadaa  in Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Jowhar inay ka dhacdo doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyadoona si weyn loo adkeeyay amniga magaaladaasi.