Ciidamada Ammaanka ee Degmada Doolow oo howlgalo kala duwan fuliyay

24
Ciidamada Ammaanka ee Degmada Doolow, ayaa Xalay howlgallo kala duwan ka fuliyay xaafado ka tirsan Degmadaasi.
Howlgalkan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Amniga Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee Degmada Doolow, Xidigle Maxamed Xasan Buulle (Sanka), ayaa lagu soo qabtay rag lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen falal Amni-darro oo ka dhacay gudaha xaafadaha iyo xeryaha barakacayaasha ee magaalada Doolow.
Sidoo kale, inta uu howlgalka socday, ayaa la baaray xaafado kala duwan, waxaana laamaha ammaanka sheegeen inay diiradda saarayaan Xaqiijintan Amniga Garaashyada la dhigo Gawaadhida Safareyda oo ay ku tilmaameen goob ay ku dhuuman karaan dhagar qabayaasha raba in ay khalkhal galiyaan Amniga Dagmada iyo Guud ahaan midka Gobolka.
Mas’uuliyiinta Ammaanka ee Degmada Doolow ayaa ku adkeystay inay sii wadi doonaan howlgalladan si loo xaqiijiyo Nabadgelyada, isla markaana looga hortago wax kasta oo sababi kara dhibaatooyin dhinaca Amniga ah.